Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo kula kulmay Taliyaha Qaybta Saddexaad ee Ciidanka...

Sawiro;-Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo kula kulmay Taliyaha Qaybta Saddexaad ee Ciidanka Nabad Ilaalinta Soomaaliya

1
0

Jimco 30  Oct 2026 {CBB}

Baydhabo: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xarunta Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ku qaabilay Taliyaha Qaybta Saddexaad ee Ciidanka Nabad Ilaalinta ee ka howlgala Soomaaliya.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed iyo saraakiil ciidan, ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga deegaannada Koonfur Galbeed, xoojinta iskaashiga amni iyo sidii loo mideyn lahaa dadaallada dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al-Shabaab.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta hay’adaha amniga Dowladda Koonfur Galbeed iyo ciidamada nabad ilaalinta, si loo sugo amniga, loona xaqiijiyo xasilloonida deegaannada maamulka.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu isla soo qaaday baahida loo qabo isku-duwidda howlaha amniga, dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada ay khuseyso, si loo ilaaliyo nabadda iyo badbaadada shacabka.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga amni iyo sugidda nabadgelyada deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here