Jimco 30 Oct 2026 {CBB}Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay Muqdisho uu ka jiro amni xooggan oo dedaal aan yarayn la geliyay kaddib markii wax laga weydiiyay nabadgalyada Caasimadda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in nabadda ka jirta magaalada Muqdisho ay kula tartamayso Caasimado dalal horumaray isaga oo amniga ka jira uu dhinac dhigay kan London sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha Soomaaliya.
Waxa uu difaacay howlgallada ka dhanka AS maadaama aanay ku socon dardarrii 2022 uu ku billowday xilligaas oo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ay gacanta ku dhigeen deegaanno dhowr ah oo qaarkood ay dib u qabsadeen AS.
“Haddii aan nabad ahayn Muqdisho dabcan Londan iyanna nabad ma ahan, howlgallada la dagaalanka Argagixisasa waa kuwo dardar ku socda, waxaa weli socda howlgallada kooxahaas dalka looga xorraynayo” Sidaasi waxaa yiri MW JFS, Xasan Sheekh Maxamuud.
Ururrada iyo kooxaha qiimeeya nabadgalyada Caasimada Adduunka ayaa Muqdisho ka saaray Liiska Magaalo madaxda ugu liita dhinaca amniga kaddib isbaddello amni oo caasimadda ka hirgalay.







