Talaado 17 March 2026 {CBB}Dalal badan ayaa wada qorshe cusub oo ku saabsan joojinta colaadda Bariga Dhexe kaddib markii Maraykanka iyo Xulufadiisa Israa’iil ay ku guuldaraystaan xakamaynta gantaallada ka imaanaya Iiraan oo waddamo kale ku dhacaya.
Dhowr dal oo Yurub ah iyo kuwo kale oo dhaca Ameerika iyo Aasiya ayaa haatan billaabay kulamo aan bannaanka usoo wada bixin si loo oddoroso qorshaha lagu dhalin karo wadahadal xabbad-joojin aan shuruud ku xirnayn kaddibna loo wada hadlo.
Dalalkaan ayaa is tusiyay khasaaraha naf iyo kan maaliyadeed ee ka dhalanaya dagaallada duqaymaha ah ee ka socda Bariga Dhexe isla markaana saamaynta taban ku reebay meelo kale oo ka baxdan gobolka.
Ingiriiska, Faransiiska, Kanada iyo Waddamo kale ayaa la sheegay in madaxdooda ay qorshaynayaan kulamo degdeg ah oo ugu yaraan lagu diyaarinayo qaraar la horgeyn karo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si loo joojiyo dagaalka.
Maraykanka iyo Israa’iil ayaa ku madax adeegaya in dagaalka uu soconayo ilaa ay iska dhiibto Iiraan halka Xukuumadda Tehran ay ku goodinayso in keliya iyadu uu ka go’o go’aanka lagu soo afjarayo dagaalka maadaama ay beegsatay danaha dhinacyada ku duullay.







