Sabtii 08, Sept 2024 {CBB}Agaasimaha Waaxda Qorshaynta dhulka Magaalooyinka ee Wasaarada Howlaha Guud ee koonfur galbeed oo howlo shaqo ujooga magaalada Barawe ayaa maanta la kulmay Maamulka iyo odayaasha dhaqanka degmada Barawe.
Agaasimaha Ayaa maamulka iyo odayaasha kala hadlay sidii loo dhaqan galin lahaa sharciga dhulka Magaalooyinka KGS sidoo kalena waxaa laga dooday sida loo xalin karo Isqabqabsiga dhulka.
Wasaarada ayaa dhowaan qorshaynaysa inay Qorshe magaalo (Urban plan) usamayso magaalooyin Barawe ay kamid tahay taasoo loogu gol leeyahay Hagaajinta nolosha dadka iyo deegaanka.
Masuulinta ayaa muddo todobaadyo ay ku sugnaan doonaan degmada Baraawe si ay ula kulmaan maamulka, odiyaasha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si loogala hadlo hagaajinta dhulalka.