Khamiis 19 March 2026 {CBB}Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo kamid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda Dowlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa u jawaabay Madaxweynaha Maamulkaasi oo shalay dhaliilay Dowladda Federaalka.
War qoraal ah oo uu soo saarey Wasiirka ayuu ku sheegay in lagama maarmaan tahay qabashada Doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda deegaannada Koofur Galbeed, isla markaasna aan la aqbali karin in la duwo rajada Shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa caddeeyay in mar hore dhammaaday muddo xileedka Madaxweynaha Koofur Galbeed, isla markaasna uu sifo sharci darro ah ku joogo Xukunka.
“Duqa ha loo sheego heshiiska kirada guriga uu ku deganaa wuxuu ku ekaa Dec.19. 2022. Wixii ka dambeeyey gurigaas Isfahan ayuu ku deganaa.
KGS goob Farmaajo mar labaad loo afduubaayo ma noqoneyso, riyada ka kac ee doorasho qof iyo cod ayaa KGS laga qabanaa” ayuu yiri Wasiir Cabdiqaadir
Loolankan u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa u muuqda mid sii xoogeysanaya, iyadoo hadallo ay warbaahinta isku mariyeen.
Madaxweynaha Koofur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen oo shalay la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay abaabul ciidan ka wado gudaha maamulkaasi, isla markaasna aan tillaabadaasi la aqbali karin.
Laftagareen oo la doortay 19 bishii Decembar ee sannadkii 2018 ayaa muddo xileedkiisa ku ekaa 2022, balse dhowr jeer oo la sameeyay muddo kordhin ay diidanaayeen Mucaaradka, iyadoo Dowladda Federaalka ay ka dooneysay inuu qabto doorasho qof iyo cod ah oo goleyaasha deegaanka ah, balse waxaa soo ifbaxay khilaafka labada dhinac.



