Home WARARKA CAALAMKA Nicholas Haysom oo geeriyooday isagoo 73 sano jira.

Nicholas Haysom oo geeriyooday isagoo 73 sano jira.

0
1

Khamiis 19 March 2026 {CBB}Waxaa magaalada New York ee dalka Maraykanka ku geeriyooday Nicholas Haysom, oo ahaa 73-sano jir, isagoo ahaa Ergeygii Gaarka ahaa ee Qaramada Midoobay u qaabbilsanaa dalka Suudaanta Koonfureed.

Nicholas Haysom waxa uu xilal muhiim ah ka soo qabtay Qaramada Midoobay, isagoo soo noqday madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ka hor inta aan loo magacaabin Suudaanta Koonfureed.

Sidoo kale, waxa uu door hoggaamineed ka qaatay geedi-socodka nabadda ee dalalka Burundi, Ciraaq, Afgaanistaan, iyo Suudaan.

Marxuumka ayaa door weyn ka soo qaatay isbeddelkii dimuqraadiyadeed ee dalka Koonfur Afrika, isagoo intii u dhaxeysay 1994-tii ilaa 1999-kii ahaa lataliyaha dhanka sharciga iyo dastuurka ee madaxweynihii hore ee Nelson Mandela.

Dowladda Soomaaliya ayaa 1-Janaayo Sanadkii 2019-kii ka ceyrisay Nicholas Haysom.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here