Axad 22 March 2026 {CBB} Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in milatariga dalkaas ay beegsan doonaan kaabayaasha tamarta ee lala xiriiriyo Mareykanka ee ku yaalla guud ahaan gobolka Khaliijka, haddii la weeraro xarumaha shidaalka iyo tamarta ee Iran.
Digniintan ayaa timid ka dib markii uu Madaxweyne Donald Trump soo saaray digniin kama dambays ah, isagoo sheegay in Mareykanku uu “burburin doono” xarumaha korontada ee Iran haddii Tehran ay ku guuldareysato inay dib u furto Marinka Hormuz muddo 48 saacadood gudahood ah







