Talaado 10, Sept 2024 {CBB} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xiriir Telefoon la sameeyay dhiggiisa Aljeeriya Cabdulmajiid Tabuun, waxa uu ugu horreyn ugu hambalyeeyay guusha uu ka gaaray dib u doorashadiisa.
Waxa ay usii dhaadhaceen xaaladda labada Dal iyo xoojinta xiriirka labada dhinac in la xoojiyo sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya oo wadahadalkaas kaddib soo bandhigtay xogta xiriirka labada Madaxweyne.
Soomaaliya & Aljeeriya waxa ay xubno kawada yihiin Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka iyo ururro kale, Madaxda labada Dal ayaa dhowr jeer kawada hadlay xoojinta cilaaqaadka ay wadaagaan.
Madaxweynaha dib loo doortay ee Dalka Aljeeriya ayaa guddoomay hambalyo uga timid Dalalka dhaca Qaaradda Afrika iyo kuwo kale oo xiriir kala dhaxeeya maadaama guul muhiim ah uu ka gaaray doorashadii dalkaas ka dhacday.