Talaado 10, Sept 2024 {CBB}Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan wadatashi ah isugu yeeray Xildhibaannada deegaannada Dowlad-Goboleedkaas kasoo jeeda ee xubnaha ka ah Baarlamaanka 11aad ee JFS.
Kulankaaan ayaa looga tashan doonnaa Mustaqbalka Deegaannada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed maadaama uu saaran yahay cadaadis la xiriira joogitaanka Ciidanka Itoobiyaanka sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo ku dhow kulankaan.
Cabdicasiis Laftagareen ayaa doonaya in uu Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka u sheego arrimaha la gudboon mar haddii Dowlad-Goboleedkaas uu u arko in ay ku tiirsan yihiin Ciidanka Itoobiya oo bixitaankooda saameyn ku reebi karto.
Xildhibaannada Federaalka ayaa dhankooda madasha la tegaya sida ay u arkaan arrintaan, tallaabooyinka Dowladda uga falcelineyso xadgudubka gurracan ee Itoobiyaanka iyo waxyaabaha la sameyn karo haddii ay dhacdo in Ciidankaas ay baxaan.
Marka uu kulankaan soo dhammaado kaddib waxaa lagu wadaa in warmurtiyeed laga soosaaro iyada oo lagu caddeynayo waxyaabaha ay isku fahmeen dhinacyadaan, waxaa lagu hayaa indhaha maadaama dhinacyada kulmaya ay ku kala aragti duwna yihiin dhanka mowqifka.