Khamiis 12, Sept 2024 {CBB}Kulankaan looga hadlaayay horumarinta arrimaha biyaha degmada Berdaale ayaa waxaa goobjoog ahaayay gudoomiyaha maamulka degmada Berdaale mudane Cali Wardheere, wasiirta tamarta iyo kheyraadka biyaha KG Mudane Imaan Goobe, masuulin ka tirsan wasaaradda biyaha qaar kamid ah dhalinyarada Baydhabo iyo marti kale.
Gudoomiye Cali Wardheere ayaa ka sheekeeyay xaaladaha degmada gaar ahaan dhinaca arrimaha biyaha iyo sida ay muhiim ugu tahay in kulankaan wasaaradda ay qabato si loo horumariyo arrimaha biyaha degmada Berdaale.
Cali Wardheere ayaa sheegay in degmada Berdaale ay ku yalaan ceelala badan oo biyo ahaan ay ku filan yihiin bulshada ku nool degmada iyo kuwa kale ee ku soo dhow biyaha u soo doontaan ceelalkaasi.
Ayadoo taasi ay jirto ayaa guddoomiyaha sheegay in dhamaan ceelalkaasi lagu dhib qabo isticmaalkooda xitaa lagu dhow yahay in liska dhaafo in wax lagu karsado halka ay ka joogaan dhanaankooda.
Ayadoo horeyba arrimahaasi ay iska taagnayeen inkastoo halkii la qodo biyo looga wayneynin ayaa Roobkii deerta ahaa ayaa waxaa biyo wada galay dhamaan ceelalkii degmada Berdaale kuwaasi oo sii xumaayay dhadhanka iyo caafimaad ahaan biyaha ayadoo weli ceelalka hortooda weli ku jiraan biyo.
Cuduro badan ayaa laga heley ayuu yiri guddoomiye Cali Wardheere kuwaasi oo shacab badan loo jiifiyay Isbitaalka degmada kuwo kalena xaalado caafimaad loogu qaaday isbitaalada kale ee gobolada dalka.
Ugu danbeyntii kulanka oo masuulin badan ka hadlay ayaa guddoomiye Cali Wardheere, waxaa uu maamulka KG gaar wasaaradda tamarta iyo hay’adaha ka shaqeeyaha biyaha iyo caafimaadka ka codsaday in arrintaasi wax laga qabto si loo badbaadiyo bulshada degmada Berdaale.