Khamiis 12, Sept 2024 {CBB}Taliska ciidamada booliiska gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo lagu xaqiijinayo amniga oo ay saaacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen gudaha Caasimadda.
Howlgalladan ayaa waxaa lala beegsanayay kooxaha dilka iyo falalka amni darro ka sameeya gobolka Banaadir.
War qoraal ah ka soo baxay booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in la soo qabtay ilaa 10 ruux oo ku eedeysan dil iyo dhac.
“Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir oo kaashanaya Hay,adaha amaanka Caasimadda ayaa soo xiray eedeysanayaal gaaraya 10 xubnood. kuwaas oo geestay falal iskujira dil, dhaawac iyo dhac dadweyne ka geestay, Dagmooyin kala duwan ee Caasimadda” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska booliiska.
Sidoo kale, taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in ay socoto baaris, isla markaasna dadka la soo qabtay la geyn doono maxkamad si ay Cadaaalad u maraan.