Sabtii 28 March 2026 {CBB}Maamulka Cabdicasiis Laftagareen ee Koonfur Galbeed ayaa si degdeg ah ku wada doorashada madaxda maamulkaasi, iyada oo isla maanta oo doorashada guddoonka ay dhacday uu qaatay madaxweynaha maamulkaasi shahaadada musharaxnimo.
Waxaa isaga la qaatay shahaadada Wasiir ka tirsanaa maamulka Koonfur Galbeed oo lagu magacaabo Cabdullaahi Xaaji Xasan.
Waxaa ay kusoo beegmaysaa xilli Baydhabo iyo guud ahaan gobolkaasi laga dareemayo saansaan colaadeed, ka dib markii la sheegay ciidamo ka tirsan DFS oo gaaray Buurhakaba ay ku wajahan yihiin magaalada Baydhabo.







