Sabtii 28 March 2026 {CBB}Muddo 24 saac gudahooda ayaa magaalada Baydhabo lagu doortay Hoggaanka sare ee dowlad goboleedka Koofur Galbeed oo wajahaya cadaadis uga imaanay Dowladda Federaalka.
Kulan wadajir ah oo ay yeesheen Golaha Wakiiilada ee Koofur Galbeed ayaa lagu doortay Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo helay 66 cod, halka musharixii al tartamay ee Cabdulaahi Xaaji Xasan helay 13 cod ah.
In kasta oo lagu dhowaaqay guusha Madaxweyne Laftagareen, haddana Maamulka Koofur Galbeed ayaa waxaa ka socda dhaqdhaaqyo ay wadaan Ciidanka Federaalka oo doonaya in ay galaan magaalada Baydhabo.
Laftagareen ayaa lagu eedeynayaa inuu ka baxay heshiisyadii hore uu ula galay Dowladda ee qabashada doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda deegaannada Koofur Galbeed.
Cabdicasiis ayaa markii ugu horreysay 18 Decembar ee 2018 loo doortay Madaxweynaha Koofur Galbeed, isagoo maanta mar kale qabanaya xilkaasi.







