Isnin 30 March 2026 {CBB}Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta soo saaray wareegto rasmi ah oo guddoomiye KMG ah loogu magacaabay Gobolka Shabeellada Hoose.
Wareegtada wasaaradda ayaa lagu sheegay in Cabdifitaax Sayid Axmed Cabdi loo magacaabay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose.
“Magacaabistan ayaa timid kadib markii la tixgeliyay baahida loo qabo in la xoojiyo hoggaanka gobolka oo ah mid istiraatiiji ah, daris dhowona la ah Caasimadda dalka ee Muqdisho” ayaa lagu yiri Bayaanka Wasaaradda.
Magacaabista ayaa ku soo aaddeysa xilli saacadihii la soo dhaafay Ciidanka Xoogga ay si rasmi ah ula wareegeen magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee dowlad goboleedka Koofur Galbeed.
Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka








