Home WARARKA MAANTA Ra’iisul wasaare oo buuxiyay xilal ay hore isaga casileen qaar kamid ahaa...

Ra’iisul wasaare oo buuxiyay xilal ay hore isaga casileen qaar kamid ahaa Golaha Wasiiradda

2
0

Isnin 30 March 2026 {CBB}Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ku magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirada Xukuumadda, si loo buuxiyo kuraas dhowaan ay iska casileen wasiirradii horey u hayay.

Xubnaha wasiiradda ee Ra’iisul wasaaraha magacaabay ayaa kala ah:-

  1. Xasan Maxamed: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
  2. Nadiifa Aadam Isaaq: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha.
  3. Ismaaciil Ciid Maxamed: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Xubnahan cusub ee la magacaabay ayaa beddelaya wasiir ku-xigeennadii horey xilalkaas u hayay oo dhowaan iska casilay xubinimadii Golaha Wasiirada. Is-casilaadda mas’uuliyiintii hore ayaa timid ka dib markii uu soo kordhay khilaaf u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa faray wasiirada cusub in ay si hufan u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday, isaga oo ka rajeyneynaya in ay wax badan ka beddelaan shaqooyinka horyaalla wasaaradahooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here