Home WARARKA MAANTA Netanyahu oo sheegay in Shidaalka Carabta ay ka weecinayaan Marinka Hormuuz

Netanyahu oo sheegay in Shidaalka Carabta ay ka weecinayaan Marinka Hormuuz

0
2

Talaado 31 March 2026 {CBB}Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa bannaanka soo dhigay sheeko in muddo ah ay si hoose uwadeen isaga iyo Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump oo ah in ay Dalalka Khaliijka ka weeciyaan ku xirnaanta Marinka Hormuuz.

Qorshahaan ayaa ah in tubooyin shidaalka kasoo qaadaya Dalalka Carabta la dhinac marinayo Marinka Hormuuz lana gaynayo Magaalada Xayfa ee Israa’iil xoogga ku haysato kuna taalla Badda Mediterreanean-ka sida uu Netanyahu u sheegay Newsmax.

Tallaabadaan waxa ay ka dhigaysaa in Israa’iil ay si toos ah u maamulayso Shidaalka Carabta waa haddii uu qorshaan uu dhaqangalo inkasta oo aan la ogayn sida ay Dalalkaas Khaliijka uga yeeli doonaan maadaama dhaqaale badan uu ku baxayo.

Iiraan ayaa horay u sheegtay in ay dhuunta qaban doonto wax weliba oo dhinaca Israa’iil iyo Maraykanka u socda, waa suuragal in ay qarxiso haddii la isku dayo in dhuumo shidaal oo laga fogeeyay Marinka Hormuuz la hirgeliyo waana tan cabsida ku beeraysa Carabta.

Dhanka kale, Madaxweynaha Maraykanka ayaa Dalalka Carabta hordhigay inay bixiyaan lacag ballaayiin doollar ah oo lagu Kharashgaraynayo hannaan looga difaacayo gantaallada Iiraan maadaama kuwii hore ay wax ka qaban waayeen duqaymaha ku hoobtay.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here