Talaado 31 March 2026 {CBB}
Madaxweynaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida, Mustafa Muxumed Cagjar ayaa weerar afka ah ku qaaday shaqsiyaad uu sheegay in ay doonayaan sidii maamulkiisa loogu kicin lahaa mowjado siyaasadeed oo culus sida in laga horkeenno Bulshada Soomaaliyeed, Dowladda Itoobiya & dhinacyo kale.
Cagjar ayaa sheegay in uu Dowlad Deegaanka Soomaalida uu ku hoggaamiyay sidii ay xuquuqdooda uga heli lahaayeen Dowladda Federaalka Itoobiya si lamid ah Ismaamullada kale isaga oo xitaa wax badan ka baddelay astaamaha iyo waxyaabaha aan ka tarjumayn bulshadaas sida uu yiri.
“Shalay, Maanta iyo Bariba waxaan nahay Soomaali. Dhiig iyo lafo kaliya maaha ee dheecaan iyo dhididba waxaan nahay Soomaali. In aan xuquuqahanaga siyaasadeed ku dhex raadsano dalka Itoobiya anagoo ah muwaadiniin kuma xidhnaan karto shuruud ah in kolka hore aan meel iska dhigno Soomaalinimadda. Ma jirto Itoobiya qowmiyad la leeyahay ma sheegan kartid magaca qowmiyadda aad tahay” ayuu yiri MW Mustafa Cagjar.
Waxa uu weerar toos ah oo afka ah ku qaaday maamulkii ka horreeyay isaga oo xusay in uu dadka ku furayo tashwiish iyo in uu ku kicinayo waxyaabo aan jirin si dareenkooda uga faa’iidaystaan una abaabulaan dhibaatooyin ka dhan ah Dowlad Deegaanka Sooamalida sida uu yiri
“Waxaa markaa la yaab leh in isla kooxihii Xukuumadii dad-qalatada aheyd ee naga horeeysay ku amray sida kale waad isu kaaya ekeeysiiseen oo waan idin aaminay ee laakiin calankiinana kaanaga u yar ekeeysiiya oo midab jaale ah ku dara, ay wali la muraara-dilaacsan yihiin sideed noo shabihi waydeen oo aad ugu madax banaanaateen inaad ku dhiirataan inaad astaamo aanaan raali ka ahayn samaysataan, isuguna yeedhaan magacyo anagu aanaan jecleeyn” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweynaha DDS, Mustafa Muxumed Cagjar.
Waa uu sii hadlay waxaana uu yiri “Waxay mooggan yihiin in shacabka Deegaanka Soomaalidu uu ka gudbay xiliyadii ay horjoogaha ka ahaayeen kuwo ka carara shacabkooda, taariikhdooda, diintooda, halgamaayadooda, iyo astaamahooda”.
Xukuumadda Abiy Ahmed & Xisbiga talada haya ee Barwaaqo ayuu xusay Madaxweyne Mustafa Muxumed Cagjar in ay ka suuragalin inay Shacabka Soomaaliyeed u dhibaatayso ama u beegsato Magacooda ama in ay ku tuhunto raadinta gooni goosad maadaama dad badan horay sidaas ugu dhibaatayn jireen Xukuumadihii ka horreeyay sida uu hadalka u dhigay.
“Xukuumadda dalka maanta ka arimisa iyo Xisbiga taladda haya ee Barwaaqo waxaa ka go’an hirgalinta nidaam federaal dhab ah. Waana laga gudbay xiliyadii shacabka Deegaanka Soomaalida lagu handadi jiray waxaad tihiin argagixiso iyo gooni-goosad. Kuwa wali ku fikiraya in far-fiiqyo noocaas ah loogu habran ama looga carari Soomaalinimadda iyo Islaanimaduna laf ayay toobin ku hayaan” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay Madaxweyne Mustafa Cagjar.
Waxaa jira kulamo iska soo horjeeda oo ay kala wadaan mas’uuliyiin talada Dowlad-Deegaanka Soomaalida haysa iyo kuwo mucaarad ku ah, labada dhinac ayaa adeegsanaya ereyada ay u arkaan in ay kusoo jiidan karaan Shacabka isaga oo dhinac weliba iska dhigaya in uu si gaar ah uga shaqaynaya danaha Bulshada iyo Deegaankaba.







