Sabtii 13, Sept 2024 {CBB}Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in uu soo dhammaaday dulqaadka Dowladda ee la xiriira Safiir Caaytama ama waxa uu doonno sameeya.
Axmed Macallin Fiqi ayaa tilmaamay in safiir weliba uu leeyahay xeendaab sharci oo celiya sidaas awgeed Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadayso tallaabooyin ay uga falcelneyso Danjirihii qaada dhabbaha Dal ee kahor imaanaya Madaxbannaanida & Midnimada.
“Dowladda Soomaaliya dulqaadkeeda ku saabsan Safiir iska caaytama ama waxa uu doonno iska sameysta wuu soo dhammaaday, Muddo Madaxa waala raaraciyay oo waa lasoo af gobaadsaday oo muddo waala soo xishooday, Cid aan ugu dulqaadaneyno inay Dalka kal qaybiso ma jirto oo Soomaaliya & Somaliland labo Dal ka dhigto” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi.
Waxa uu dul istaagay Faragelinta Itoobiya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku heyso, waxa uu tilmaamay in haddii aysan ka baaqsan doorka u furan Dowladdu uu noqon doonno in ay taageerto Jabdaha kasoo horjeeda Abiy Ahmed.
Soomaaliya ayuu sheegay Wasiir Axmed Fiqi in ay weli tartiibineyso xaaladda maadaama rajo ay ka qabto in arrinta la xaliyo balse haddii lagu guuldareysto Dowladda Federaalka ay sameyn doonto tallaabooyin kala duwan sida uu hadalka u dhigay.
“Dowladda Soomaaliya way u furan tahay in ay taageerto Jabhadaha kasoo horjeeda Itoobiya haddii Itoobiya sidaan kusii socoto waana albaab weyn oo inoo furan, Laakiin ma aadin oo rajo weyn Ayaan ka qabnaa in la xaliyo” Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Axmed Macallin Fiqi.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa hadalkaan ka sheegay Barnaamij Dood wadaag ah oo ka baxay Teleefishinka Universal isaga oo dhinacyo badan wax laga weydiiyay marka la eego tallaabooyinka Itoobiya ay qaadeyso & Qorshaha Soomaaliya u diyaarsan.