Home WARARKA CAALAMKA Maraykanka oo raadinaya qorshe uu uga gudbayo culeys Amni ee soo wajihi...

Maraykanka oo raadinaya qorshe uu uga gudbayo culeys Amni ee soo wajihi kara waqtiga Doorashada

39
0

Sabtii 13, Sept 2024 {CBB}Dowladda Maraykanka ayaa xoogga saartay qorshe ay ku dejinayso istaraatiijiyadda lagu adkeynayo Amniga Saldhigyada kala duwan uu ku leeyahay Dalalka Xulufada la ah maadaama Bisha Nofeember uu ku mashquulayo Doorashada Dalkaas ka dhacaysa.

Todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa sii kordhay kulamada madaxda Maraykanka iyo Ingiriiska oo xulufo saaxiibo dhow wada ah, waxyaabaha ugu badan ay diiradda saarayeen waa Amniga iyo cabsida ay ka muujinayaan weerarrada dhici kara maalmaha soo socda.

Madaxweynaha xilka kasii degaya Maraykanka waa Joe Biden ayaa kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska Keir Starmer, Aqalka Cad ayaa sheegay in wadahadalka xooggiisa la saaray dhinaca Amniga.

Walaaca ugu weyn ee Maraykanka uu dareemayo ayaa kordhay kaddib markii Israa’iil uu ku daba-dheeraaday dagaalka ay ka dhex wado Bariga Dhexe iyada oo ay u biratumanayaan Xisbullaah, Xuutiyiinta Yemen, Iiraan iyo dhinacyada iska caabbinta Falastiin.

Ruushka qudhiisa ayaa u goodiyay in uu burburin doonno Saldhigyada Isbahaysiga NATO ee Qaaradda Yurub, hadalkaas waxa uu dhaliyay cabsi weyn oo ugu dambeyn sababtay kulamo aan dhammaad lahayn in uu Maraykanka la yeesho Dalalka uu u arko in uu kala tashan karo arrintaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here