Home WARARKA CAALAMKA Sweden oo $34,000 ugu yaboohday Qaxooti ay ku jiraan Soomaali

Sweden oo $34,000 ugu yaboohday Qaxooti ay ku jiraan Soomaali

31
0

Sabtii 13, Sept 2024 {CBB}Dowladda Sweden ayaa lacag dhan $34,000 oo doollar ugu yaboohday in lagu daro fulinta siyaaasadda Qaxootiga Dalkaas ku sugan si xal loogu helo caqabadah la xiriira is dhaxgalka Bulshada ku nool dalkaas sida hadalka loo dhigay.

Qaxootigaan waxaa kamid ah Soomaali ku nool Dalkaas, waxa ay Dowladda Sweden sheegtay in ay xal u raadineyso sidii ay isku dhexgeli lahaayaan Bulshada kale ee u badan kuwa u dhashay Dalkaas maadaama siyaasad cusub loo dejiyay arrintaan.

Qorshahaan oo dhaqangeli doonto sanad kaddib waa 2026ka ayaa la qorsheeyay in hoos loo dhigo soogalootiga badan uu la ciirciirayo Dalkaan dhaca Qaaradda Yurub ee sanado kahor magangalyo siisay Kumanaan soogalooti ah.

Sweden ayaa doorasho siin doonto dad badan oo dalkeeda ku nool sida ay dhaqaale ku qaadan karaan barnaamijka dib ugu laabashada Dalkooda iyada oo tallaabadaan ay qayb ka noqon doonto dhimista soogalootiga.

Wasiirka Socdaalka Dalka Sweden Johan Forssell ayaa sheegay in arrintaan ay dhalatay kaddib markii laga maarmi waayay in isbaddel weyn oo dhanka Siyaasadda soogalootiga la raadiyay, xalka ayuu ku sifeeyay in ay tani noqotay.

Sweden waxaa ku nool Dad badan oo si tahriib ah ku galay xooggooda ama intooda badan wixii ka dambeeyay sanadkii 2010kii, Dadka soogalootiga ah Dalkaas ku nool ayaa badan Soomaali, Suuriyaan iyo kuwo kale, intooda badan waxaa saameeyay xaaladaha ka jira Dalalkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here