TAlaado 17, Sept 2024 {CBB}Wasiiro uu hogaaminaayay wasiirka wasaaradda amniga gudaha maamulka KGS Mudane Cabdukaadir Xasan, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka DF degaan doorashadooda ay tahay KG, maamulka degmada Baydhabo iyo masuulin kale oo ku sugnaa Baydhabo oo kormeer iyo dhiira-galin ugu tagay ciidanka Daraawishta KG ayaa waxay u sheegeen in ay yihiin ciidanka looga fadhiyo in ay shacabka degmada ka ilaaliyaan kooxda al shabaab iyo cid kasta oo raba in faragalin ku sameyaan Amnigooda.
Ciidanka oo ku sugnaa goobaha laga ilaaliyo degmada Baydhabo ayaa loo balan qaaday in ay heli doonaan xaquuqdooda ilaa min derejo ayagoo ku muteysan doonaan dadaalka hadda ay wadaan haddii ay sii laba jibaraan.
Wasiir Cabdukaadir ayaa sheegay askartii weeraradii ugu dambeeyay ee lagu soo qaaday furuumahooda ee ku dhintay ayaa sheegay wasiirka in la dalacsiindoono.