Home WARARKA MAANTA Maxay ka dhigan tahay in maanta uu si rasmi ah u dhaqan...

Maxay ka dhigan tahay in maanta uu si rasmi ah u dhaqan galay sharciga ugu sarreeya dalka ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka?

16
0

Talaado 7 April 2026 {CBB} –Maanta waxaa si rasmi ah u dhaqan galay Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ka dib markii 30 maalmood lago joogo ansixintiisa.

Dastuurka ayaa soo maray dhammaan hannaanka sharciga ahaa sida Doodaha Dadweynaha, ansixinta wadajirka ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Saxiixa Madaxweynaha Dalka.

8 dii Maarso 2026 ayuu qalinka ku duugey Madaxweyne Xasan Shiikh oo ay garab taagan yihiin guddoonka labada gole ee Baarlamaanka Federaalka.

Wallow ay weli diidan yihiin Mucaaradka iyo Maamulada xulafada la ah ee Puntland iyo Jubbaland, haddana Dastuurka wuxuu noqday mid rasmi ah oo aan aheyn KMG.

Qoddobada ugu muhiimsan ee lagu daray Dastuurka dalka waxaa kamid ah

1. Hannaanka Doorashooyinka dalka oo laga dhigay mid qof iyo cod ah, iyadoo sidoo kale shan sano laga dhigay Muddo xileedka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

2. Awoodaha Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada hoostaga oo markii is barbar yaac ka jiray ayuu wax ka baddelkaan qeexaya, xuduudda Maamul Goboleedyada sida heshiisyada iyo qodobada kale ee masiiriga ah.

3. Muqdisho waxay yeelatay Maqaam u gaar ah, iyadoo hoggaankeeda shacabka ku soo dooran doonaan Doorasho qof iyo cod ah

4. Sidoo kale Dastuurka wuxuu kala saarey isku milnaanta Goleyaasha Fulinta iyo Sharci dajinta, iyadoo qofka haddii uu noqdo Wasiir lumin doono xubinimada Baarlamaanka.

Dowladda Federaalka ayaa hore u sheegtay in dhaqangalka Dastuurka uu wax badan ka badalayo dalka, isla markaasna la heli doono Mashaariic horumarineed iyo maalgalin caalami ah.

Dowladda ayaa tilmaamtay in Dastuurka KMG ahaa Dabar ku xirnaa Dowladnimada Soomaaliya, isla markaasna ansixintiisa guul yahay Bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Dastuurka Federaalka ayaa waxaa u dhiman Afti dadweyne iyo bulshada Soomaaliyeed ay u cod u qaadaan, si uu noqdo mid rasmi ah oo lagu wada qanacsan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here