Isniin 20 april 2026 {CBB}Sarkaal sare oo lagu magacaabo Sarreeye guuto Al-nuur Axmed Aadam oo muddo ka dhinac dagaalamayay Kooxda Gurmadka Degdega ah ee RSF lagu magacaabo ayaa isu dhiibay Golaha Kumeel-gaarka ah ee Suudaan, waxa uu la kulmay Hoggaamiye Cabdifitaax Al-Burhaan.
Al-Nuur waxa uu door firfircoon ka qaatay howlgallada Kooxda RSF ee dhulka badan ku qabsatay, inkasta oo aan la shaacin sababta ka dambaysa in uu isaga tago isuna dhiibo Ciidamadii saddexda sanno ay dagaalamayeen.
Magaalada Dongola ee xarunta u ah Maamulka Waqooyiga Suudan ayuu iska dhiibay, waxaana haatan socda kulamo kala duwan uu la qaadanayo Madaxda kala duwan ee Golaha Kumeel-gaarka ah ee Suudaan si ay uga wadahadlaan arrimo aan lasoo bandhigin.
Suudaan waxaa ka socda isbaddel muuqda tan iyo markii meesha ay ka baxday awooddii faragelin ee Isutagga Imaaraatka Carabta, waxaa Magaalooyin badan dib looga qabsaday Kooxda RSF iyada oo xubno katirsanaa ay isu dhiibeen Dowladda.
Dowladda Suudaan ma bixin faahfaahinta ciidamada la socday sarkaalkaan is dhiibay, qorshaha xiga iyo waxyaabaha ay kawada hadleen Hoggaamiye Cabdifitaax A-Burhaan, waxaana lagu wadaa in Madaxtooyada ay soosaarto xog dhammaystiran.







