Sabtii 25 April 2026 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar kamid ah Mucaaradka ayaa maanta ka qaybgalaya Caleemasaarka Ugaaska Murusade, Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde oo ka dhacaysa Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xubnaha Mucaaradka oo aan muddooyinkaan kulmin ama isku arkin munaasabad tan lamid ah ayaa maanta kawada qaybgalaya munaasabadda caleemasaarka Ugaas Cabdirisaaq.
Mas’uuliyiin kale oo Dowladda Federaalka, Duubabka Dhaqanka, Siyaasiyiin iyo marti kale o lagu casuumay ayaa qayb ka ah Munaasabadda Caleemasaarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde.







