Sabtii 25 April 2026 {CBB}Hay’adda Kubadda Cagta ugu sarraysa ee FIFA ayaa la sheegay in Koobka Adduunka ee sanadkaan oo lagu qabanayo Maraykanka, Kanada & Maksiko ay ka helayso lacag dhan $11 Bilyan oo doollar sida ay muujinayaan xogaha la helayo.
Lacagahaan waxa ay inta badan kasoo xaroonayaan daawashada ciyaaraha inkasta oo dhaqaale ahaan ay kala badan yihiin kulamada oo lagu jaangooyay sida ay xiisaha gaarka ah ugu leeyihiin Dadka iibsanaya Tikidhada lagu galayo Garoomada.
FIFA ayaa marweliba ka fakiraysa qaabka ay isugu beegi karto kulamada dhallin kara daawashada badan ee dhaqaalaha badan kasoo xaroon kara sidaasi waxaa ku warramay mid kamid ah Dadka sida dhow ula socda dhaqdhaqaaqa hay’addaas.
Lacagtaas la sheegay in ay ka imaanayso Koobka Adduunka 2026 waxa ay ka dhigan tahay in markii ugu horraysay Taariikhda Hay’adda FIFA ay gacanta ku dhigi doonto lacag aad u badan inkasta oo indhaha lagu hayo sida loo maamulo.
Koobkii kan ka horreeyay ee 2022 lagu qabtay Dalka Qatar waxaa FIFA kasoo galay lacag dhan $7.5 Bilyan oo doollar, halka sanadkii kaas ka horreeyay ee 2018 oo uu martigeliyay Ruushka waxaa laga soo xareeyay $6.4 sida diiwaanka ku xusan.







