Sabtii 25 April 2026 {CBB}Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay aqoonyahanno, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Puntland ku metela, saraakiil hore oo ciidan iyo siyaasiyiin, isaga oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka iyo mowqifka Puntland.
Madaxweyne Deni ayaa si cad u sheegay in uusan wax faragelin ah ku yeelan doonin xulista xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, doorasho kasta oo lagu heshiiyo mustaqbalka.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in beelaha Soomaaliyeed ay si madax-bannaan u soo xulan doonaan xubnaha ku matali doona heerka Federaalka, si looga fogaado eedeymihii hore ee faragelinta siyaasadeed.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in hadalkiisa uu qeyb ka yahay dadaal lagu saxayo habraacyadii doorashooyinka ee lagu murmay sanadihii 2021–2022, kuwaas oo dhaliyay khilaaf siyaasadeed oo ballaaran.
Dhanka kale, Deni ayaa mar kale muujiyay in Puntland aysan aqbali doonin wax ka beddelka dastuurka Federaalka, isaga oo tilmaamay in weli lagu kala aragti duwan yahay nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta.
Hadalkan ayaa imanaya xilli aan weli la isku raacsanayn hannaanka doorashooyinka Soomaaliya, iyadoo xubno ka mid ah Golaha Mustaqbalka ay diidan yihiin doorasho dadban oo ay doonayaan qaar kamid ah dowlad goboleedyada, iyo sidoo kale nidaamka qof iyo cod ee ay wado Dowladda Federaalka.
Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa weli muujinaysa kala aragti duwanaansho u dhexeeya dhinacyada kala duwan, iyadoo la sugayo heshiis mideeya aragtiyada ku saabsan mustaqbalka doorashooyinka Soomaaliya.



