Home WARARKA MAANTA MW Xasan Sheekh “36 sano kaddib Dalkeennu meesha uu hadda joogo masii...

MW Xasan Sheekh “36 sano kaddib Dalkeennu meesha uu hadda joogo masii joogi karo”

2
0

Arbaco 29 April 2026 {CBB}Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aanay suuragal noqon Karin in Dalka lagu daawado meesha uu joogo loona baahan yahay in uu la baratamo Dalalka horumaray sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu soo hadal qaaday cunaqabatayntii hubka ee muddo dheer saarnayd, Dayntii laga cafiyay, Doorashada Dadweyne ee sanadkii hore la qabtay iyo horumarka khayraatka ay lasoo baxayso sida uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Odoyaasha dhaqanka oo hoggaan u ah Bulshada waa marka la eego dhinaca Dhaqankee waxa uu xusuusiyay xaaladihii uu Dalka soo maray isaga oo dhinac dhigay meesha uu joogo kana soo kabtay dhibaatooyinkii amniga iyo duruufihii kale ee caqabadda ku noqday.

Howlaha Dowladdu qabatay waxa uu tilmaamay in ay kamid yihiin arrimaha Dastuurka, ka fogaanta Daymaha, la dagaalanka Hubka Sharci darrada ah iyo arrimo kale oo muhiim u ah Dalka & Dadka sida uu hadalka u dhigay.

“Odayaasheeniyow 36 sano kadib, dalkeennu meesha uu hadda joogo ma sii joogi karo, Waxa aan wajahnay MOU-gii Kenya ee Badda, Kan Itoobiya, Cunaqabatayntii oo nagala qaaday, Daynta oo nagala cafiyay & waxa aan ka shaqaynay Dastuurka, waxaana la dagaalannay Hubka Sharci darrada ah” Ayuu yiri MW JFS, Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Dowladda ay xoogga saarayso ka gudubka Doorashooyinka Dadban, waxa uu shaaciyay in ay ka shaqaynayso qabsoomidda Doorasho Dadweyne sida ku xusan Dastuurka cusub ee Dowladdu ansixisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here