khamis 15 May 2026 {CBB}Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa waxyar ka hor gaaray xarunta shirarka qaranka Shiinaha ee ku taal Beijing, halkaa oo soo dhaweyn ballaaran uu ka helay madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, iyadoo la filayo inay wadahadallo adag yeeshaan labadan hoggaamiye.
Mid ka mid ah waxyaabaha so jiidashada leh ee aan arkay waa in Trump uu si weyn isku xakameynayo, gaar ahaan mar uu isku dayay inuu jaaso si dhaqso leh ayuu isku celinayaa, sababtoo ah nin aan muujin dhadhaqaaqaa Xi Jinping , ayuu la taaganyahay , taana waxay ku riixeysaa inuu ad adayg muujiyo!







