Home WARARKA MAANTA Dawladda Soomaaliya oo kooxda AS ka soo badbaadisay dad shacab ah oo...

Dawladda Soomaaliya oo kooxda AS ka soo badbaadisay dad shacab ah oo ugu afduubnaa.

1
0

khamis 15 May 2026 {CBB}Ciidamada Danab oo sameeyay howlgal ay Xabsiyada AS kaga soo daayeen 9 ruux oo shacab ah, sida ay shaacisay DFS

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay hawlgal ay ciidamda Kumaandooska Danab ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Dhexe.

Hawlgalkan oo ka dhacay degmada Gamboole ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayay Dowladda sheegtay in lagu soo daayay 9 qof oo shacab ah, kuwaasi oo ay heysteen AS.

Sidoo kale, Wasaaradda Difaaca ee Soomaaliya ayaa tilmaamtay in iska hor imaad kooban oo goobta ka dhacay uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaarey Xubnaha AS.

Qoraalka Dowladda kuma sheegin sababaha ay dadkaan u xirteen AS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here