Home WARARKA MAANTA DEG-DEG: Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Duleedka Baydhabo, Saraakiil Sare Oo...

DEG-DEG: Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Duleedka Baydhabo, Saraakiil Sare Oo Lagu Dilay.

1
0

Dagaal culus oo ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ayaa la xaqiijiyey inuu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Dagaalkaasi waxaa ku dhintay, sida wararku sheegayaan, Taliyihii Guutada 8-aad ee ciidanka xoogga dalka Cali Cadow iyo Taliyihii guutada 9-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Yoonis Aadan.

Sida ilo xog ogaal ah ay xaqiijiyeen Ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta Koonfur-galbeed ee saraakiishan ay hoggaaminayeen ayaa markii hore dagaal la galay ciidamo taabacsan sida la sheegay madaxweynihii hore ee Koonfur-galbeed Laftagareen muddo kadib markii dagaalkaasi joogsadayna ay markale Ciidanka Dowladda ay la dagaalameen kooxda AS oo ciidanka weerar kusoo qaaday.

 

Wixi warar ka soo kordho kala soco Codka Baay iyo Bakool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here