Khamis 14 May 2026 {CBB}Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa si rasmi ah u shaaciyay natiijada doorashadii isku sidkaneyd ee ka dhacday Koonfur Galbeed, taasoo lagu doortay xubnaha goleyaasha deegaanka iyo Golaha Wakiillada maamulkaas.
Guddoomiyaha guddiga, Cabdikariim Axmed Xasan, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo, ayaa sheegay in doorashadu si nabad ah iyo hufnaan leh uga dhacday 13 degmo oo ka tirsan dowlad goboleedka.
“Waxaan maanta shaacinaynaa natiijadii doorashadii dhacday 10-ka May ee ahayd doorashooyinka isku sidkan ee ka dhacday Koonfur Galbeed,” ayuu yiri guddoomiyuhu.
Sida uu guddigu sheegay, tirada guud ee codadka la dhiibtay ayaa gaartay 132,430 cod, halka codadka ansaxay ay noqdeen 128,276 cod, kuwaas oo u dhiganta 97 boqolkiiba, Codadka xumaaday ayaa lagu sheegay 4,154 cod.
Doorashada Golaha Wakiillada oo lagu tartamay 95 kursi ayaa waxaa ka qeyb galay 32 urur siyaasadeed, iyadoo natiijada ugu weyn ay heleen ururrada taageerada xooggan ku leh deegaannada maamulkaas.
Ururka Cadaalada iyo Wadajirka ee JSP ayaa ku guuleystay aqlabiyadda kuraasta, kadib markii uu helay 67,970 cod oo u dhiganta 53 boqolkiiba codadkii la dhiibtay, taasoo siisay 51 kursi oo Golaha Wakiillada ah.
Waxaa kusoo xigay ururka Horumar iyo Midnimo Qaran oo helay 18,667 cod iyo 14 kursi, halka Karaamo uu helay 14,708 cod iyo 11 kursi.
Sidoo kale ururka Sincad ayaa helay lix kursi, halka Tawfiiq uu helay afar kursi.
Ururro kale oo ay kamid yihiin Waabari, Madalsan, Muwaadiniinta Soomaaliyeed, Saab, Ramaas iyo Dhalinyarada Talo Qaran ayaa min hal kursi helay.
Inta badan ururradii kale ee tartanka galay ayaan wax kuraas ah helin, inkastoo qaar kamid ah ay heleen boqolaal cod.
Natiijadan ayaa kusoo aadeysa xilli Soomaaliya ay ka taagan tahay dood siyaasadeed oo xooggan oo ku saabsan hirgelinta nidaamka doorashooyinka qof iyo cod, iyadoo maamulka Koonfur Galbeed uu noqday maamulkii ugu horreeyay ee qabta doorasho isku sidkan oo heer dowlad goboleed ah







