Sabti 16 May 2026 {CBB}Madaxda Dowladda Federaalka iyo Xubnaha Mucaaradka ayaa Magaalada Muqdisho kawada kulamo kala duwan oo iska soo horjeeda kaddib markii ay isku fahmi waayeen shirkii u socday muddooyinkii dambe ee caasimadda ka qabsoomay.
Labada dhinac oo ka kala qaybgalay kulamo ka dhacay Muqdisho oo lagu maamuusayay xuska aasaaska Dhallinyaradii SYL oo xalay labo meel oo kala duwan ku qabsoontay waxa ay is dhaafsadeen eedeymo culus oo dhanba dhanka kale ka dhan ah.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fashilka shirkii ka socday Muqdisho dusha ka saaray xubnaha Mucaaradka isaga oo sheegay in laga waayay jid ay u bixiyaan doorashada oo doodda ugu badan ay ka yeesheen.
Sidaas oo kale xubnaha mucaaradka ee wadahadalkaas ka qaybgalay ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku dhaliilay in uu ka caga-jiidayay heshiis laga gaaro doorashada Dalka waa sida ay hadalkooda u dhigeen.
Muqdisho waxaa ka socda kulamo kala duwan oo labada dhinac ay kala wadaan si dhinac weliba uu u xoojiyo qorshihiisa siyaasadeed, waxaa la sugayaa jawaabta dhanka Beesha Caalamka oo dhexdhexaad ka ahayd gogoshii lagu kala tagay.







