Sabti 16 May 2026 {CBB}Dowladda Iiraan ayaa billowday Barnaamij ay Shacabkeeda ku barayso sida loo loo adeegsado hubka iyo qaabka ay isu difaaci karaan maadaama suuragal ay tahay in isbahaysiga Maraykanka iyo Israa’iil ay ku dhaqaaqaan qorshe weerar lugta ah.
Teleefishinka Dowladda Iiraan ayaa baahiyay muuqaalladaas, waxaana kasoo muuqday Dad badan oo la barayo sida loo adeegsado Hubka sida qaabka xabadaha loo rido, haddii cillad ku timaado sida loo furo iyo waxyaabaha kale ee laga rabo Askariga dagaalamaya.
Iiraan waxa ay dagaal adag kula jirtaa Maraykanka, Israa’iil iyo Dalal kale oo duullaan ku ah dalkeeda, waxa ay dhowr jeer qaadday tallaabooyin ay isaga difaacayso, inkasta oo go’doon culus la geliyay haddana waxaa si tartiib-tartiib ah dib ugu soo noqonaya nolosha Dadkaas.







