Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Abaaraha iyo barakaca baahsan ayaa malaayiin qof oo ku nool Soomaaliya iyo...

Sawiro;-Abaaraha iyo barakaca baahsan ayaa malaayiin qof oo ku nool Soomaaliya iyo Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya qarka u saaray xaalad aad u adag

1
0
Residents of Afdub town in Kelafo district, Somali region, Ethiopia have missed several rainy seasons and now depend on a private water provider. Many families pay for water despite limited income to ensure access for their households and livestock. Radio Bay Iyo Bakool

Sabti 16 May 2026 {CBB}Afar xilli-roobaad oo xiriir ah oo aan la helin ayaa sababay xaalad abaareed oo aad u
daran oo ka jirta Soomaaliya, taasoo malaayiin qof gelisay cunto yari ba’an isla
markaana ku qasabtay malaayiin kale in ay ka barakacaan guryahooda. Iyadoo
maalgelintii gargaarka bani’aadannimo ay si weyn hoos ugu dhacday, waxaa hadda
halis ugu jira in la joojiyo gargaaradii ugu dambeeyay ee nolosha dadka
badbaadinayay.
Bishii Nofeembar 2025, dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday xaalad
qaran oo deg-deg ah oo la xiriirta abaaraha. In ka badan 6.5 milyan oo qof; qiyaastii afartii
qofba hal qof oo Soomaali ah, ayaa hadda wajahaya heerar sare oo cunto yari ba’an ah,
sida lagu sheegay qiimeynta caanka ah ee IPC (Integrated Food Security Phase
Classification). In ka badan laba milyan oo qof ayaa ku jira Heerka 4-aad ee IPC, taasoo
muujinaysa cunto yari aad u daran iyo khatar sare oo nafaqo darro iyo dhimasho ah. Sidoo
kale, in ka badan 1.84 milyan oo carruur ah oo ka yar da’da shan sano jirka ayaa la filayaa
in ay la ildarnaadaan nafaqo darro ba’an gudaha dalka sannadka 2026.
“Waxaan uso barakacnay abaarta darteed,
” ayay tiri Regay Cali oo ah qof barakaca ah
kana soo tagtay gurigeedii ku yaallay Weelbelil, oo qiyaastii 160 kiiloomitir u jirta
magaalada Baydhabo ee Koonfur-galbeed, Soomaaliya. Waxa ay lacag ka amaahatay
deriskeeda si ay u gaarto xero barakac oo ku taalla magaalada Baydhabo.
“Biyo waan
helnaa, laakiin naguma filna: laba jeerigaan oo keliyab ayaannu helnaa maalintii —
kuwaas oo loogu talagalay dhar dhaqidda, qubayska, karinta iyo weliba in la cabo. Xitaa
shan jerigaan naguma filnaan lahayn. Gaajo ayaa si weyn noo haysa. Waxaan ka soo
barakacnay gaajo, haddana meesha aan joogno weli wax nagu filan kuma haysanno.

Qiyaastii 3.3 milyan oo qof oo la mid ah hooyo Regay ayaa ku barakacay Soomaaliya
sababo la xiriira abaaraha iyo colaadaha, halka in ka badan 50,000 oo qof ay u
gudbeen Itoobiya iyagoo raadinaya biyo iyo gargaar, sida ay sheegtay UNHCR.
Goobaha barakaca
ee ku hareeraysan Baydhabo iyo Gaalkacyo ayaa si deg-deg ah u buuxsamaya, halka
qiimaha biyuhuna uu gaaray heer aysan awoodin qoysaska intooda badan. Sidoo kale,
khatarta cudurrada biyaha ku faafa ayaa sii kordheysa sabab la xidhiidha dadka
tiradoodu badantahay oo wada isticmaalaya ilo biyo oo xaddidan, mararka qaarna aan
nadiif ahayn. Sida ay sheegtay UNOCHA, Puntland oo ay Gaalkacyo ka tirsantahay,
qiyaastii 170 ceel-biyood iyo ceelal gacmeedyo ah ayan shaqeynayn tan iyo bishii
Diseembar 2025, taasoo si weyn u xaddidaysa helitaanka biyo nadiif ah.
Xarunta ay MSF taageerto ee magaalada Baydhabo, waxa aan durba diiwaangelinay tiro
aad u badan oo carruur ah oo qaba nafaqo darro ba’an, iyadoo isbitaalku uu la tacaalayo
bukaanada ka badan awooddiisa. Kororka degdegga ah ee xilligan bilowga xilliga
macluusha ayaa muujinaya in xaaladdu sii xumaan doonto bilaha soo socda.
Saameynta roob la’aantu kuma eka xuduudaha Soomaaliya oo keliya. Sida lagu sheegay
warbixinta qiimeynta baahiya xilliyeedka GU ee Deegaanka Soomaalida Itoobiya
sannadka 2025, deegaanka ayaa wajahaya xaalad la mid ah, iyadoo yaraanta roobabku
si daran u saameeyeen bulshooyinka xoolo-dhaqatada iyo beeralayda ah. Koonfurta
Deegaanka Soomaalida Itoobiya, gaar ahaan deegaannada Afdheeer iyo Shabeelle oo
ah dhulal hoose oo qallalan oo u dhow xadka Soomaaliya, roobabkii oo yaraaday ayaa
sababay dhimashada xoolaha, biyo yari ba’an iyo kororka cunto yarida. Bulshooyinka
xoolo-dhaqatada ah ayaa waayay ilihii ay ku noolaan jireen, iyadoo tartanka loogu jiro
biyaha yar ee jira uu sii kordhayo.
“Dadka badankood ee bulshadaan waxa ay dhaqan jireen xoolo; taas ayaana ku noolayn.
Markii roobkii joogsaday, waxa aan luminay xoolihii, dadkiina waxa ay u qaxeen meel
kasta oo ay biyo ka heli karaan si ay ugu noolaadaan,
” ayuu yiri Isaaq Ibraahim Maxamed,
oo ka mid ah dadka degan degmada Barey ee gobolka Afdheer.
“Nolosheennu aad ayay u
adag tahay, sababtoo ah ma jiro wax lagu tiirsanaado. Dadku waxa ay socdaan saacad
ama ka badan si ay biyo uga soo dhaansadaan webiyada, waxaana biyahaas laga
waraabiyaa xoolaha. Waxaan aragnaa shuban iyo nafaqo darro.

Intii lagu jiray qiimeyn uu hugaaminayey Xafiiska Caafimaadka Deegaanka Soomaalida
Itoobiya oo ay iska kaashadeen MSF, lagana sameeyay deegaannada Afdheer iyo
Shabeelle, kooxaheennu waxa ay ogaadeen baahiyo deg-deg ah oo ka jira adeegyada
biyaha iyo nafaqada, iyadoo awoodda caafimaad ee maxalliga ahi ay aad u liidato.
Xaaladdaan waxaa sii xumeeyay hay’ado caafimaad iyo kuwo gar-gaar oo badan oo
shaqada joojinaya sababo la xiriira maalgelin yari, halka kororka qiimaha shidaalka ee
ka dhashay colaadaha Bariga Dhexe iyo xaddidaadaha silsiladaha sahaydu ay sii
adkeeyeen jawaabta gurmadka.
“Meelihii aan qiimeynta ku sameynay annaga oo kaashanayna xafiiska caafimaadka
deegaanka, waxaan ku aragnay tiro badan oo carruur nafaqo darro qaba oo la dhigay
xarumaha caafimaadka. Waxaaan aragnaa hoos u dhac ku yimid adeegyadii bukaannadu
heli jireen, maadaama hay’adihii gargaarku ay u guurayaan sababo la xiriira dhimista
maalgelinta caalamiga ah iyo yaraanta dhaqaalaha. Tani waxa ay culays weyn saartay
nidaamka jira. Barnaamijyada biyaha iyo fayadhowrka ayaa ah kuwa ugu
daran ee ay saameeyeen dhimista maalgelinta caalamiga ah,
” ayuu yiri Cabdullaahi
Maxamed Cabdi, oo ah ku-xigeenka hoggaamiyaha kooxda caafimaadka ee MSF
Itoobiya.
MSF waxa ay la shaqaynaysaa maamulka caafimaadka maxalliga ah ee degmada Barey
ee gobolka Afdheer si loo taageero nafaqada iyo howlaha biyaha iyo fayadhowrka. MSF
waxa ay sidoo kale qorsheynaysaa in ay taageerada ku ballaariso gobolka Shabeelle.
Gudaha Soomaaliya, MSF waxa ay ka jawaabaysay xaaladda deg-degga ah ee abaaraha
tan iyo Diseembar 2025. Magaalada Baydhabo, in ka badan 30 milyan oo litir oo biyo
nadiif ah ayaa loo qeybiyay in ka badan 21,000 oo qof oo ku nool 17 goobood oo
barakacayaal ah. Gobolka Mudug, MSF waxa ay bixineysaa saddex milyan oo litir oo biyo
ah, taageero dhanka fayadhowrka iyo nadaafadda ah oo loogu talagalay ku dhawaad
11,000 oo qof oo ku nool agagaarka magaalada Gaalkacyo, taasoo ay ku jiraan
dayactirka ceelasha biyaha iyo qeybinta agabka nadaafadda.
Laakiin xilli ay baahidu sii kordheyso, taageeradii maalgelinta caalamiga ah ayaa
burburtay. Qorshaha Baahiyaha iyo Jawaabta Bani’aadannimo ee Soomaaliya ee 2026 ayaa
la maalgeliyay kaliya 10.9 boqolkiiba, sida ay sheegtay UNOCHA. Barnaamijka
Cuntada Adduunka (WFP) ayaa yareeyay gargaarkii cuntada degdegga ahaa oo markii
hore la siin jiray in ka badan laba milyan oo qof, una dhimay wax yar oo ka badan 600,000
oo qof: hadda toddobadii Soomaali ah ee u baahan gargaar cunto, hal qof oo keliya ayaa
hela. In ka badan 300,000 oo qof ayaa waayay helitaanka biyo nadiif ah si toos ah sababta
oo ah maalgelin la’aantan, halka in ka badan 70 xarumood oo caafimaad ay ku xirmeen
Puntland.
“Waxa aan ku aragno goobaha barakaca waa baahi aad uga weyn mid ay hal hay’ad
kaligeed wax ka qaban karto,
” ayuu yiri Maxamed Cumar, madaxa barnaamijyada
MSF ee Soomaaliya.
“Dadku maalin kasta ayay imaanayaan, kheyraadkiina lama
jaanqaadi karo baahida sii kordheysa. Waxaan ugu baaqeynaa beesha caalamka iyo
dowladaha inay si degdeg ah u kordhiyaan taageeradooda hadda, iyagoo bixinaya
maalgelin joogto ah oo dabacsan, ka hor inta aysan dad badan ugu dhiman sababo
gebi ahaanba laga hortagi karo.

MSF waxay ugu baaqaysaa deeq-bixiyeyaasha inay si degdeg ah dib ugu soo celiyaan oo
ay u kordhiyaan maalgelinta jawaabta bani’aadannimo ee Soomaaliya iyo Deegaanka
Soomaalida Itoobiya, halkaas oo afar xilli-roobaad oo xiriir ah oo fashilmay ay malaayiin
qof ku riixeen qarka badbaadada. Ka bixitaanka gargaarka xilligan ma aha wax lama
huraan ah. Waa doorasho, waana mid nafaf badan galaafanaysa

 

 

An MSF water and sanitation staff member collects water from the Shebelle River for testing in Kelafo district, Somali region, Ethiopia. Communities in the town now rely directly on river water after interruptions to the usual treatment process due to fuel shortages, increasing the risk of water-borne diseases.
Radio Codka Bay iyo Bakool
MSF staff visit a water point in Nimcoley IDP camp in Baidoa, Bay region. Nimcoley is one of 17 IDP sites supported by MSF with water trucking to improve access to safe drinking water for displaced communities.Radio Bay iyo Bakool
Residents of Afdub town in Kelafo district, Somali region, Ethiopia have missed several rainy seasons and now depend on a private water provider. Many families pay for water despite limited income to ensure access for their households and livestock. Radio Bay Iyo Bakool

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here