Home WARARKA CAALAMKA Madaxweynaha Ruushka oo ku wajahan Shiinaha

Madaxweynaha Ruushka oo ku wajahan Shiinaha

1
0

Sabti 16 May 2026 {CBB}Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa Arbacada todobaadkaan oo ku beegan 20ka May waxa uu booqasho ku tagayaa Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha si uu ula kulmo dhiggiisa, Xi Jinping sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Moscow.

Safarka Putin ayaa su’aalo badan la dul dhigay maadaama dhowaan uu Shiinaha booqday dhiggiisa Maraykanka, Donald Trump oo siyaasad ahaan ay is hayaan balse Xukuumadda Beijing ay u janjeerto dhinaca Moscow.

Loolanka Maraykanka iyo Ruushka oo muddo taagan ayaa haatan u qiblaystay ama u jihaystay dhinaca Shiinaha, inkasta oo saddex aragti iyo dano gaar ah ay kala wataan Xukuumadaha Washington, Moscow & Beijing.

Ruushka iyo Shiinaha waxa uu Maraykanka ku xaglinayaa in ay kala safteen Dalka Iiraan, Madaxweyne Donald Trump ayaa billaabay kulamo diblumaasiyadeed oo arrintaas ka dhan ah sida ay ku warrameen ilo kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here