Home WARARKA MAANTA MW Xasan Sheekh Maxamuud “Doorasho Dadban oo aan Dad ku dhiman ma...

MW Xasan Sheekh Maxamuud “Doorasho Dadban oo aan Dad ku dhiman ma dhicin”

1
0

Sabti 16 May 2026 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay ka go’an tahay dhammaystirka Doorashooyinka Dadweyne oo qaybo kamid ah horay looga qabtay loogana gudbo doorasho dadban sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in doorasho Dadban ay dadku ogyihiin dhibaatada ku hoos duugan iyo natiijada laga dhaxlay waa sida uu yiri isaga oo tusaale usoo qaatay doorashooyinkii ugu dambeeyay ee dalka ka dhacay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkaystay in aanay marnaba ka tanaasuli doonin Dastuurka cusub ee Dalka oo Mucaaradku diidan yahay, waxa uu muddo xileedka Dowladdu ku sheegay in uu yahay 5 sano kana dhammaanayo 15ka may 2027.

“Ma laalayno Dastuurka, Qofkii  tabasho qaba oo aragti fiican wada waan dhagaysaneynaa, 2023 ayaa Caalamka u gudbinay doorashada qof iyo codka waana ku qancinay” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha DFS, Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka Amniga, waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud tilmaamay in ay Soomaaliya leedahay ciidamo ku filan nabadgalyada waxaana uu shaaciyay in ay ku guulaysteen sugidda amniga Doorashooyinkii dadweyne ee Muqdisho iyo Koofur Galbeed ka kala dhacday.

“Mid diidan in horay loo socda oo fidno dhalinaya wuu joogaa balse alle mahadi Waxaa inoo jooga ciidan ku filan in ay Amniga Sugaan, Waxaa ugu horreeya in Muwaadinta uu xaqqiisa helo waana in uu codeeyo” ayuu yiri MW JFS, Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ayaa labo daraf ka kala istaagay Doorashada Dalka ka dhici karta, waqtiga la qabanayo iyo su’aalo kale oo hoostaga, waxaana fashilmay wadahadalladii ugu dambeeyay inkasta oo aanay Beesha Caalamka weli ka hadlin arrintaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here