Sabti 16 May 2026 {CBB}Dagaal ayaa mar kale laga soo werinayaa inuu ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo, gaar ahaan dhanka waqooyi, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay iska horimaadkaas.
Dhanka kale, Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ee ku sugan Baydhabo ayaa wada howlgallo amni oo ka socda daafaha magaalada, kuwaas oo lagu xoojinayo nabad-gelyada guud ee deegaanka.
Maalmo ka hor, isla duleedka Baydhabo waxaa ka dhacay dagaal culus oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana ku geeriyooday saraakiil iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda.
Sidoo kale, Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa sheegtay inay duqeyn ka fulisay deegaanka Haabire ee gobolka Baay, iyadoo ku tilmaantay howlgalkaas mid lagu guuleystay, sida lagu sheegay qoraal ay wasaaraddu soo saartay.
Si kastaba ha ahaatee, ciidamo taabacsan maamulka uu hoggaamiyo Cabdicasiis Laftagareen ayaa beeniyay sheegashada Dowladda Federaalka, iyagoo diiday in duqeyntu ay beegsatay koox ka tirsan ciidamadooda ee ku sugan duleedka Baydhabo.







