Sabti 16 May 2026 {CBB}Maxkamadda Sare ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa amartay in berri oo axad ah kuna beegan 17ka May 2026 oo dhanka Hijriyada tahay 29ka Dul-Qacdah 1447 si loo xaqiijiyo curashada Bisha Dul-Xijjah sida hadalka loo dhigay.
Bayaanka Maxkamadda Sare ee Sacuudiga ayaa lagu sheegay in ay arrintaan muhiim u tahay xaqiijinta Bilashada Bisha 12aad ee Xijriyada oo ku jira acmaal badan sida Maalinta qiimaha badan ee 10aad ee Xujaydo isugu tagayso Buurta Carafo.
Bisha Dul-Xijjah waxa ay kamid tahay Bilaha ugu fadliga badan, waxaana ku jira maalmo muhiim ah sida in la soomo 9ka Maalin ee ugu horreysa, Maalinta Carafo oo Muslimiintu isugu tagayaan Buurta magaca maalintaas wadata, Ciiddul-Adxaa iyo kuwo kale.







