Khamiis 21 May 2026 {CBB}Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo maamulka ciidamada dalka, isagoo eedeyn culus u jeediyay Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud.
Qoraal uu ku baahiyay bartiisa bulshada ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku sheegay in Xasan Sheekh uu ku howlan yahay sidii uu awood ciidan ugu sii joogi lahaa kursiga, inkastoo uu sheegay in muddo xileedkiisu dhammaaday.
Siyaasiga mucaaradka ayaa ku eedeeyay madaxweynaha inuu kala qeybinayo ciidamada qalabka sida, islamarkaana uu dhinac marayo saraakiishii khibradda iyo aqoonta lahaa. Waxa uu sheegay in beddelkooda la dallacsiinayo shaqsiyaad aan lahayn waayo-aragnimo ciidan ama si degdeg ah loo dalacsiiyay.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale sheegay in dadka la dallacsiiyay lagu xushay xiriir qoys, xigto iyo daacadnimo gaar ah oo ay u hayaan madaxda sare ee dowladda, gaar ahaan Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.
Waxa uu tilmaamay in saraakiisha dhabta ah ee la faquuqayo ay yihiin kuwo fahamsan in ciidamada ay daacad u yihiin qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed, ayna tahay in dastuurka iyo sharciga dalka ay noqdaan hagaha dowladnimada iyo ciidamada.
Siyaasigan Mucaaradka ayaa sheegay in isbeddel siyaasadeed uu dalka ka dhici doono, isagoo xusay in madaxdu ay tagi doonaan balse waxa taariikhda geli doona ay yihiin saraakiisha ilaalisa sumcaddooda iyo danta qaranka Soomaaliyeed.







