Arbaco 27 May 2026 {CBB}Hogaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, Gudoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe & mas’uuliyiin kale ayaa Shacabka Baydhabo kala qaybgalay munaasabadda Ciiddul-Adxaa.
Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay iyada oo Saraakiisha amniga la faray in ay xoojiyaan nabadgalyada, Shacabka ayaa loogu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada oo xoogga saaraya adkaynta xasiloonida.
Hoggaamiye Jibriil ayaa hambalyada ciiddul-Adxaa la wadaagay Shacabka isaga oo sheegay in looga baahan yahay inay ilaalsadaan nabadgalyada iyo maamulka Koofur Galbeed ee haatan qorsheynaya qabashada Doorashada.
Waxa uu sidoo kale ugu baaqay midnimo, Iskaashi & in la garab istaago dadka dantayar ee aanay awoodin ka qaybgalka farxadda munaasabadda ciiddul-Adxaa, waxaana uu bogaadiyay ciidamada u taagan adkaynta amniga.







