Home WARARKA MAANTA Soomaaliya oo soosaaraysa Macdanta Yuraaniyamta

Soomaaliya oo soosaaraysa Macdanta Yuraaniyamta

2
0
None

Arbaco 27 May 2026 {CBB}Wasiirka Batroolka & Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa sheegay in dhammaadka 2026 lasoo gabagayn doonno soosaarka Shidaalka Dalka loona gudbi doonno ka faa’iidaysiga Macdanta Yuraaniyamkta & Khayraatka kale ee muhiimka ah.

Waxa uu bogaadiyay Madaxda iyo Shacabka Turkiga isaga oo sheegay in ay Soomaaliya caawiyeen iyada oo xaalado adag ay wajahaysay sannadkii 2011 ilaa maanta uu iskaashigooda uu gaaray meel wanaagsan oo horumar muuqda ku dhex jiro.

Wasiir Daahir ayaa intaas ku daray in had iyo jeer ay wadatashiyo gaar ah yeeshaan Dowladaha Soomaaliya & Turkiga si ay isaga kaashadaan ku guulaysiga howsha lagu gaarayo soosaarka shidaalka ku jira Dalka oo laga qodayo ceel dhirirkiisu yahay 7,500 Mitir.

Markabka Çağrı Bey oo horay Soomaaliya usoo gaaray ayaa ku guda jira howsha soosaarka shidaalka Dalka, Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyir Erdogan ayaa maalmo kahor ku dhawaaqay in 6 ilaa 9 ay ku qaadanayso soo gabagabaynta soosaarka Shidaalka Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya & Turkiga waxaa ka dhaxeeya Iskaashi ku dhisan dhinacyada Dhaqaalaha, Militariga, soosaarka Shidaalka, Amniga, Tayaynta Ciidamada, Ilaalinta Nabadgalyada Badda & kuwo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here