Khamiis 26, Sept 2024 {CBB}Maanta, Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay ansixiyaan soo jeedin ka timid Wasaaradda Amniga Gudaha, taas oo ku saabsan magacaabista taliyaha cusub ee ciidamada booliiska.
Xogaha soo baxaya ayaa tilmaamaya in Jeneraal Asad Cismaan Diyaano loo magacaabay taliyaha booliiska, waxaana la filayaa in magacaabistiisa lagu ansixiyo shirka Golaha Wasiirrada.
Jeneraal Diyaano ayaa horey u soo qabtay xilal muhiim ah oo kala duwan, isaga oo soo noqday taliyaha ciidamada gaarka ah ee Puntland.
Kulanka maanta ee Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale looga hadli doonaa xaaladda guud ee dalka, iyadoo warbixinno laga dhageysan doono wasaaradaha amniga, difaaca, iyo arrimaha gudaha.
Shirka Golaha Wasiirrada ayaa ku soo aadaya xilli Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu dallacsiiyay taliyahii hore ee ciidanka booliiska, Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin. Sulub ayaa sidoo kale loo magacaabay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Rayidka, ka dib wareegto ka soo baxday Xafiiska ra’iisul wasaaraha.