Isniin 8, June 2026 {CBB}Xaaladda Bariga Dhexe ayaa aad u qasan kaddib markii ay Israa’iil duullaan horay looga digay ku qaadday Dalka Lubnaan, duqayntaas waxaa ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo burbur inkasta oo aan lasoo bandhigin tiro sugan.
Iiraan oo horay u sheegtay in aanay gacmaha laaban doonin haddii la weeraro dalkeeda ama mid kamid ah isbahaysigeeda ayaa gantaallo culus ku garaacday Dhulka Israa’iil ay xoogga ku haysato, qaarkood ayaa ka gudbay difaaca hawada.
Maamulka Netanyahu ayaa ku dhawaaqay in uu xiray hawada maadaama duqaymaha ku dhacaya ay uga kala imaanayaan jihoon kala duwan waxaana loo badinayaa in ilaa afar dhinac sida Iiraan, Lubnaan, Yemen & Ciraaq laga ridayo.
La soco wixii kasoo kordha







