Home WARARKA MAANTA Aadan Madoobe ayaa loo doortay Hogaamiya Koofur Galbeed.

Aadan Madoobe ayaa loo doortay Hogaamiya Koofur Galbeed.

1
0

Arbaco, 10 June 2026 {CBB}72 maalmood ka dib, maamulka Koofur Galbeed ayaa yeeshay Hoggaamiye rasmi ah oo noqon doona Aadan Maxamed Nuur.

Doorasho ka qabsoontay magaalada Baydhabo, ayaa waxaa Aadan la tartamay hal Musharax oo ah Cabdicasiis Maxamed Cusmaan Jawaari, halka Shariif Xasan oo ahaa Musharax kale uu qaaday Doorashada.

Sida uu shaaciyay Guddoonka Golaha Wakiilada ee Maamulka Koofur Galbeed, Aadan Madoobe ayaa helay codad gaaraya 88, halka Musharixii la tarmay ee Cabdicasiis Maxamed Jawaari helay 1 cod.

Aadan Madoobe ayaa badali doona Cabdicasiis Laftagareen oo dagaal looga saarey magaalada Baydhabo, ka dib markii ay is qabteen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ka hor inta aan la dooran Aadan Madoobe wuxuu afartii sano ee la soo dhaafay hayay Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here