Home WARARKA CAALAMKA Maraykanka & Iiraan oo manata kala saxiixanaya heshiiska lagu soo afjarayo colaadda

Maraykanka & Iiraan oo manata kala saxiixanaya heshiiska lagu soo afjarayo colaadda

2
0

Axad 14 June 2026 {CBB}Maraykanka iyo Iiraan ayaa maanta kala saxiixanaya heshiis si dhammaystiran loogu wado in uu usoo afjaro c olaaddalabada Dal ee xooggaysatay 28kii Febaraayo ee sanadkaan kaddib markii duullaan culus lagu qaaday Xukuumadda Tehran.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa si cad u sheegay in heshiiska ay garwadeenka ka yihiin Pakistan, Qatar iyo Dalalka kale ee ku baxay xal u helista colaaddaas maanta qallinka lagu duugayo sida uu hadalka u dhigay.

Donald Trump ma bixin faahfaahin la xiriirta qodobada lagu heshiiyay maadaama maalmihii u dambeeyay dalabaadka miiska saaran ay kamid ahaayeen qodobo culays ku ah Washington sida hab maamulka Hormuz iyo kuwo kale.

Iiraan ayaa saacado kahor sheegtay in wadahadallada socda ay ku dhow yihiin kuwo lagu kala saxiixdo heshiisyo xabbad-joojin waarta, Tehran ayaa ka digtay in Israa’iil ay samayso ficillo dhaawacaya heshiiskaas maanta qallinka lagu duugayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here