Isniin 15 june 2026 {CBB}Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 15kii June sanadkii 2022 waxa uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u magacaabay Xamsa Cabdi Barre oo sidaas ku noqday Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.
Xamsa waa Ra’iisul Wasaarihii 21aad ee Soomaaliya soo maray waxaana uu noqday Saaxiib ay muddo wada shaqeeyaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka isaga oo sidaasi kusoo xiray baddelkii badnaa ee lagu samayn jiray Ra’iisul Wasaaraha.
Xukuumadda Dan-Qaran waxa ay xoogga saartay Arrimaha Amniga, Siyaasadda, Doorashooyinka, Dayn Cafinta, Qaadista cunaqabataynta Hubka, Qorshaha Qodista Shidaalka Dalka, Dastuurka iyo arrimo kale oo muhiim ah.
Siyaasadda dhinac u jihaynta Madaxtooyada iyo Xukuumadda waa mid waji cusub u yeeshay Soomaaliya maadaama tallaabadan ay meesha ka saartay isku dhicii Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha ee sababi jiray dhowrkii bil ama sano in Xukuumad cusub timaado.







