Home WARARKA MAANTA RW Xamsa oo daahfuray Imtixaanka Dugsiga sare oo sanadkaan ay galayaan 44,136...

RW Xamsa oo daahfuray Imtixaanka Dugsiga sare oo sanadkaan ay galayaan 44,136 Arday

2
0

Sabti 20, June 2026 {CBB}Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Imtixaanka Dugsiga Sare (Fasalka 12aad) oo sannadkaan ay galayaan Arday gaaraysa 44,136 sida ay sheegtay Wasaaradda Waxbarashada XFS.

Ardaydaan Waxa ay ku galayaan Imtixaanka Qaran 58 Degmo oo Muqdisho iyo Gobollada Dalka ah, waxaana loo diyaariyay 158 Xarumood oo la geeyay Macallimiin, howlwadeenno u diiwaangashay Wasaaradda Waxbarashada iyo Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Ardayda u rajeeyay in ay guul ka gaaraan Imtixaanka maanta u billowday, waxaana uu xusay in dedaalka iskaashiga ku dhisan ee Ardayda, Macallimiinta iyo Dowladda lagu gaari karo mustaqbal wanaagsan.

Xamsa ayaa sheegay in Madaxda Dugsiyada Waxbarashada ay ku amaanayaan doorka wanaagsan ee aqoon kordhinta Ardayda Soomaaliyeed, waxa uu ugu baaqay in ay sii wadaan kaalintooda muhiimka u ah Mustaqbalka Ubadka sida uu hadalka u dhigay.

“Diinteennu waxa ay qiimo wayn u yaahay Cilmiga, Aqoontu waa saldhigga Horumarka, Waxa aan bogaadinayaa Wasaaradda Waxbarashada oo joogtaysay qaadista Imtixaankaan Qaran oo mudnaan sare siisay, sidoo kale waxaa amaan mudan Hay’adaha ammaanka” Sidaasi waxaa yiri Ra’iisul Wasaaraha XFS, Xamsa Cabdi Barre.

Imtixaanka Fasalka 12aad waxa uu soconayaa muddo 6 cisho ah, waxaana uu soo idlaan doonnaa Khamiista oo ku beegan 25ka June, waxa ay Ardaydu sugayaan natiijada ay shaacin doonto Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here