Talaado 08-Oct- 2024 {CBB}Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Dowlada Koonfur galbeed Mudane Hussein Mohamud Sheikh Hussein ayaa maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilay Isaiah Sciford oo ah Ku xigeenka Madax Mashruucs BRiCKS.
Kulanka sidoo kale waxa goob joog ka ahaa Agaasimha Guud ee Wasaaradda & Madax ka tirsan hey’adaha Qeybta ka ah Dallada BRiCSIII Sida NRC, ACF, CWW & GREDO
Ujeedada kulanka ayaa ahaa Dardargalinta Howlaha Mashaariida Horumarinta iyo Gargaarka ee Ay Hay’adahaas ka fulinayaan Deeganada Dowldda Koonfur Galbeed Soomaliya kuwaa oo ay fulintiisa ka bilaaban doonto deegaano katirsan Dowlada koonfur galbeed.
Wasaarada Qorsheynta ayaa hogaaminaysa Dhamaan howlahaas iyadoo isku xiraysa guud ahaan wasarradaha kale ee Qaybta ka ah Mashruuca BRiCSIII.