Talaado 08-Oct- 2024 {CBB}Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in uu weli socdo Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo qodobo muhiim ah looga hadlayo.
Wadatashi ayuu sheegay in ay dib ugu laabteen madaxda qaar ee shirkaan ka qaybgaleysa si ay usoo saldhigaan qodobada xasaasiga ah ee diiradda la saarayo sida Doorashada qof iyo codka ah ee Dalka la filayo in ay ka dhacdo.
Xamsa ayaa tilmaamay in madaxda ka qaybgashay Shirka ay sameynayaan la tashiyo iyaga oo marka uu usoo dhammaado kaddib lasoo saari doonno go’aamo iyo warmurtiyeed lagu caddeynayo waxyaabaha ay isku fahmeen sida uu hadalka uu hadalka u dhigay.
“Shirka Golaha Wadatashiga weli wuu socdaa, Madaxda kasoo qaybgashay waxa ay ku jiraan Wadatashiyo muhiim ah, marka uu soo dhammaado waxaa laga soosaari doonnaa go’aamo iyo warmurtiyeed, Shirka haddii alle idmo waxa uu kusoo dhammaan doonnaa guul” Ayuu yiri Xamsa Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaaraha XFS.
Waxa uu gunaanadkii sheegay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre in loo baahan yahay in laga shaqeeyo midnimada iyo sidii loo gaari lahaa guullaha muhiimka ah si horumar muuqda looga sameeyo dhinacyada Amniga, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo kuwo kale.