Talaado 08-Oct- 2024 {CBB}Mas’uuliyiin ka kala socodey Wasaaradaha Arrimaha Guraha, Howlaha Guud iyo Amiga Dowladda Koonfur Galbeed iyo Hay’adda NIS Foundation ayaa ujeeedkiisa ahaa kormerida Mashaaricda horumarineed laga fuliyo Deeganka Awdiinle ee Gobolka Baay ,
Deegaanka Waxaa kusoodhaweeyey Mas’uuliyiinta Gudoomiyaha Deeganka Awdiinle İbrahim Kalaay, waxaana intaasi ka dib ay wafdiga ay kormeereen Mashaaricda Xasilinta Deegaanka Ka socoda uu ka mid yahay Saldhiga Booliska Deeganka iyo Leerarka Cad Ceeda Ku shaqeeya iyo goobo kale Bulshada muhiim u ah hada la qorsheeyey in la dhiso.
Lataliye Sare Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Abdirizak Yarow Mahamud, ayaa ka warbixiyey Mashaaricda Xasilineed ee ka socoda Deegaanka Awdiinle Wasaaradu hormuud ka tahay hirgelinteedi.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Dowladda Koonfur Galbeed ayaa sheegey Dhismaha Saldhiga Marka uu dhamaado in ay ka shaqeyn doonan Booliska iyo Bulshada sida Amniga ıskala shaqeyn lahaayeen.
Wasaaradda Arrimaha Dowladda Koonfur Galbeed oo Hormuud u ah Mashaaricdan Xasilinta laga fulinaayo Degaanada Koonfur Galbeed .
Sawiro;- Halkan Ka Daawo……….